Laascaanood (HM)-Boqolaal shacab ah oo ka cadhaysan dhaqamada iyo gabood falada fooosha xun ee ay magaalada Laascaanood ka wadaan maleeshiyaadka Soomaliland iyo xubnaha loo adeegsanayo ayaa xalay ka dhacay magaalada, dadkan ayaa ka cadhaysnaa dilalkii ugu dambeeyay ee maleeshiyaadku ka gaysteen Laascaanood.
Waxaana ay Soomaliland ka dalbadeen in cadaalada la hor keeno isla markaana lasoo qabto ragii ka dambeeyay dilalkan loo gaystay shacabka Magaalada Laascaanood oo iyagu u muuqday kuwo u xareysan in Soomaliland marka ay doonto ka xulato Qofkii ay dili lahayd ama xidhi lahayd.