Laascaanod (HM ) Saraakiil ka tirsan Ciidammada Somaliland oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa ka digay Cawaaqib-xumo ka dhalan karta Tallaabada ay Puntland Kantaroolka laga galo magaalada Garoowe u soo wareejiyay dhinaca gobolka Sool, midaasi oo si weyn uga cadheysiisay waxgaradka deegaanka, Sidoo kalana ay Fursad dahabiya u arkaan Ciidanka Somaliland.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Saraakiisha Somaliland ayaa talaabadan Puntland ay kantaroolka ku soo wareejisay ku sheegay mid Puntland ay ku dooneyso dhul aanay laheyn, iyagoona xusay inay Somaliland marnaba ka yeeleyn in deegaanada Bixin ay Puntland ka bilowdo dhul-boob.
Saraakiishan ayaa sidoo kale waxay maamulka Puntland ku eedeyeen inay deeganadaasi ay ka wadaan xaalad Nabad-galyo daro, iyagoona uga hanjabay inay Puntland deegaanadaasi iskaga baxdo muddo saddex cisho gudahooda.
“Waar joojiya dhul boobka aad ka waddaan Bixin , Saddex cisho gudahood waa in halkaa lagaga waantoobaa, nabadgal-yadiina iyo naftiina ilaashada oo noo daaya Annaga” ayuu yiri mid kamid ah Saraakiishan maanta la hadlay warbaahinta.
Wuxuuna intaas kusii daray Sarkaalku “Haddaydaan joojin, tallaabada aanu ka qaadno waxaad arki doontaan Garoowe oo Bisaduhu ku dhex meeraan”.