Wiil dhalinyaro ah oo ku noolaa magaalada Laascaanood ayaa soo Qabsaday Xayawaanka Diinka , Kadib markii uu ku helay calaamadihii laga Rabay Diinka, Markii uu soo qaatay Diinkaasi Wuxuu dareemay xanuun iyo Jahwareer dhanka Caafiaadka la soo darsay .
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Habeenkii Hadiiba uu seexday waxaa uu la soo toosay isaga oo ay qallashay Lug iyo gacan , Nabaro ay ka soo baxeen Jidhkiisa , Xiskiisii ayaa is bedelay , Wiilkaii ayaa qaylo ku waashay Markii uu aabaha Wiilka uu ka war helay Xaalada Wiilkiisa ayaa waxaa uu Odaygu deg deg ugu yimid wuxuu Markiiba sameeyey inuu Diinka Xoriyadiisa dib ugu celiyo oo uu ka saaro xayndaabkii .
Wiilkii xaaladii ayaa ku sii xumaatay , Xanuunkii ayaa ku batay , Aabaha inan ka ayaa Subaxnimadii hore ee Saaka ku soo kallahay Maxkamada gobolka Sool , isaga oo ka raba Warqadda lagu gayn lahaa xarunta Isku daawaynta Quraanka iyo Sunnaha (Cilaaj ) ee magaalada Laascaanood .
Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Xasan Maxamed Warsame oo la hadlay Warbahainta ayaa sheegay in Wiilkaasi ay ku dhacday Cuqubo Rabbaani ah , Xayawaanka Diinkanina uu Alle ka celiyey Xilliyo hore cadaw badan oo ay ugu horreeyaan Shimbiro , maantana Allihi xiligaa bad baadiyey uu u joogo . Waxaana uu dhallinyarada uga digay Dhibaatadaasi mid ka daran ay kala kumlmi doonaan Xag Alle , iyo waliba ganaax Maxkamaeed .