HORUFADHI MEDIA |

DAAWO- Kulankii Caynaba ee Khaatumo & Somaliland oo la ogaaday waxyaalihii looga wada hadlay-VIDEO.

Waxaa degmada Caynaba Xalay Gaadhay Wafdi ka socday maamulka khaatumo Kuwaasi oo uu Hogaaminayey Madaxwaynaha Khaatumo Cali khaliif Galaydh, Waxayna Kulamo la qaateen  Xubno ka tirsan maamulka Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xubnaha weftiga Somaliland ee kulanka la qaatay Wafdiga khaatumo ayaa waxaa kamid ahaa wasiirka madaxtooyada somaliland, wasiirka gaashaandhiga, Gudoomiye ku xigeenka xisbiga kulmiye,iyo sidoo kale taliyaha ciidamada milatariga maamulka somaliland.

Dhanka khaatumo ayaa waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha barlamaanka, wasiirka amniga iyo xubno kale, Waxaana la sheegay inuu Kulankan Daba socday Mid kamid ah Qodobadii kasoo baxay Shirkii Jabuuti, Iyadoona siwayn looga hadlay soo Afjarida Colaada Koonfurta Gobolka Sool iyo Cabasho ka timid Gudiga Nabadaynta ee Culimada.

 

Exit mobile version