WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Kulan gaar ah oo laga yeeshay amniga Magaalada Muqdisho

By Xuseen Post

June 10, 2021

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta oo khamiis ah kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay amniga guud ee Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdisho iyo sidii loo dardar-gelin lahaa howlaha lagu sugayo amniga Magaalada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish ayaa Warbixino kala duwan oo ku aadan qorshaha lagu sugayo amniga Caasimadda ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada ee kulanka ka qeyb galay.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay u diyaar garoowga maalmaha xorriyadda ee 26 June iyo 1da Luulyo, iyadoo kulanka ay qeyb ka ahaayeen xubno ka tirsan Guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xorriyadda ee fooda magu soo heysa.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Qaroole iyo Saraakiil kale ayaa ka qeyb galay kulanka.