Laascaanood ( HM ) Hogaamiyaha Jabhada Dulmidiid ee Fadhigeedu yahay Gobolka Sanaag Kornayl Caarre ayaa Waraysi dhinacyo badan taabanaya wuxuu siiyey Telefishinka HCTV, Waxaana ugu horayn wax laga waydiiyey colaada u dhaxaysa Labada beelood.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Dagaalka Ceel-Afwayn waa mid naga Horeeyay, oo ilaa Dawladii Siilaanyo socday, Xageena waa ka madax banaan yahay, Wax lug ah kuma lihin, hadana waxaan leeyahay dabka Qaboojiya, Alle ha qaboojiyo “ Ayuu yidhi Kornayl Caarre.
Caarre ayaa ka hadlay Wahadalkii laga dhexwaday Jabhada Kornayl Caarre iyo maamulka Somaliland, ayuu sheegay inay isla qaateen in Xabad joojin la sameeyo, oo Nabad gelyo la qaato, islamarkaana uu Muddo Qabsaday oo ay Sugayaan.
Ma Beel ahaan ayaad u Xanaaqday Mise Jabhad Somaliland oo dhan Matalaysa ayaad ahayd ? ayaa la waydiiyey, Wuxuuna sheegay inaysan beel ahaan u Xanaaqin, balse Ergayada u yimid ay yihiin dadkii isaga u dhowaa.
Hadii Wadahadalku Fashilmo ayaa la waydiiyey waxa u Qorshaysan, Wuxuuna sheegay inuu Arintaasi ka Jawaabi doono Marka ay timaado, Balse hada aanu ka hor dhacayn.
Waxaa la waydiiyey halka uu ku dambeeyay Xidhiidhkii kala dhexeeyay Puntland, Wuxuuna sheegay inuu kasoo guuray Puntland, hadana uu joogo halkuu ku dhashay oo aanu ku noqonayn Puntland.
Ugu danbayntii Caarre Wuxuu u sheegay Wariyaha inaanu ahayn Kornayl ee uu yahay Jeneraal “Daawo waraysiga oo Xiiso leh”.