WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Khudbadii xasaasiga ahayd ee uu Axmed Madoobe jeediyey doorashadiisa kadib iyo fariintuu diray-Video

By Abdi rashid

August 22, 2019

Kismaayo ( HM) Madaxwaynaha  la doortay ee maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Markii lagu dhowaaqay  Natiijada Doorashada Wuxuu jeediyey Khudbad dhincayo badan Taabanaysa, Taasi oo uu kaga hadlay Xaalada Jubbaland iyo guud ahaan dalka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxwaynihii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Guddoomiyaha Xisbiga UPD ayaa  hambalyo u diray  Axmed Madoobe “Waxaan u hambalyeeynayaa Madaxweynaha la doortay Md. Axmad Madoobe, Waxaan leeyahay xilka Ilaahey ha kula garab galo. Noqo kii bulshada reer Jubaland usii horumariyo una dhammeystiro baahidooda ay ugu horreyso Amniga”

Madaxweynihii hore  ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa isna hambalyo u diray Madaxweyne Axmed Madoobe oo mar kale loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni  ayaa ugu baaqay Madaxwayne Axmed Madoobe inuu ka shaqeeyo khilaafka gudaha ee Jubbaland in lagu dhammeeyo wada hadal, Wuxuuna ugu baaqay dowladda Federaalka inay dhameyso wixii khilaaf ee ka dhashay doorashada Jubbaland.

Xisbiyadda Mucaaridka ee Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay inay taageero la garab istaageen Doorasho oo Madaxwayne Madoobe Qabsaday, Waxaana iswaydiin laga keenay Hadii Madaxwayne Farmaajo iyo Raysal wasaare Khayre ay dhankooda Doorasho taas lamid ah diyaarsadaan waxa ay ka odhan la haayeen.

Kismaayo ayaa maanta looga dhowaaqay Laba Madaxwayne, Waxaana  Isha lagu hayaa sida ay wax isku badalaan, Iyadoo ay mudan tahay in loo wada tanaasulo danta guud ee deegaanka iyo Qaranka.