WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Khudbadaha musharaxiinta Jubaland oo socota iyo Axmed Madoobe oo ka hadlay madasha.

By Abdi rashid

August 20, 2019

Kismaayo ( HM ) Magaalo Xeebeedka Kismaayo waxaa ka socota hadal jeedinta Musharaxiinta u taagan doorashada Madaxweynaha Jubbaland, iyadoo Musharaxiinta khudbadaha jeedinaya uu ku jiro Madaxweynaha wakhtigiisu dhamaaday  Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Illaa Afar Musharax ayaa isku soo hadhay tartanka doorashada Madaxweynaha Jubbaland, iyadoo labo musharax ay ku dhawaaqeen inay ka tanaasuleen tartanka.

Musharaxiinta khudbadaha jeediyay ayaa mid ka mid ah ay aheyd Haweeney, halka a saddex kale ay yihiin rag.

Axmed Madoobe oo mar kale doonaya in loo doorto xilka ayaa ka hadlay haddii uu guuleysto waxa uu qaban doono, isagoo balan-qaaday in 18 bilood gudahood uu ku xoreyn doono deegaanada ka maqan gacanta Jubbaland, sida Caasimadda Bu’aale.

Waxaa uu ka hadlay arrimaha dib u heshiisiinta, daadajinta maamulka, dhismaha dowladaha hoose iyo adeegyada aas aasiga u ah bulshada.

Doorashada Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalinta Khamiista ee soo socota oo ku beegan 22 bisha Agoosto.