Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo Khudbada Qiimaha lahayd ee madaxweyne Farmaajo Shirka London Kajeediyey & Balanqaadkii uu ujeedieyey Beesha Caalamka +video

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isulwasaaraha dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah u furay shirka London.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa halkaas ka jeediyey qudbad xamaasad badneyd, wuxuuna kaga hadlayey baahiyada Soomaaliya iyo dhibaatada heysato.

Farmaajo ayaa ka dhawaajiyey inay dowladdiisa ku daadaaleyso sidii Soomaaliya ay horumar uga sameyn laheyd dhanka Amaanka, dhaqaalaha iyo wax soo saarka dalka.

Sidoo kale wuxuu ka dhawaajiyey inay Soomaaliya ka jirto abaaro aad u daran isla markaasna wuxuu tilmaamay in looga bixi karo iskaashi iyo in beesha caalamka ay si daacad ah u caawiso.

Wuxuu wax lagu farxo ku tilmaamay in Shirka London looga hadlayo sidii looga shaqeyn lahaa amniga Soomaaliya iyo doorka ay AMISOM ku leeyihiin nabadda Soomaaliya.

Wuxuu codsaday in dowladiisa laga caawiyo sidii ay dhibaatooyinka uga bixin laheyd Soomaaliya isla markaasna loola dagaalami lahaa Ururka Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay inay hadda meel gebagabo ah marayaan.

HALKAN RIIX VIDEO DAAWO

Guusha laga gaaray Al-Shabaab ayuu uga mahaceliyey AMISOM iyo dowladaha Ingiriiska iyo mareekanka oo caawimaad dhaqaale u fidinayey.

Wuxuu ugu dambeyntii codsaday in Soomalya laga caawiyo inay dhulkeeda ka abuurato dhaqaalo si kor looga qaado wax soo saarka dalka oo isugu jiro beelaha, Korontada, Malayga iyo xoolaha.

Farmaajo ayaa beesha caalamka hortooda ballan uga qaaday inaysan Soomaaliya dib dambe ugu laaban doonin dhibaatadii ay kasoo baxday, taas badalkeedana beesha Caalamka laga rabo inay shirkaan ka dhigto mid ka shaqeeyo horumarka Soomaaliya, isagoo codsaday in si deg deg ah Soomaaliya looga qaado cuna qabateynta hubka ee saaran si ay looga shaqeeyo amaanka Soomaaliya iyo horumarka Ciidamada

” Waxaan halkaan idinkugu ballan qaadayaa inaysan Soomaaliya dib ugu laaban doonin wixii ay soo martay, isla markaasna ay horey u socon doonto, sidaas darteed adinkana waxaa idinka rabnaa inaad arrintaan nagu caawisaan” ayuu yiri Farmaajo oo shirka ka hadlayey

Dhawaan ayaan idinla wadaagi doonaa Khudbada Farmaajo oo dhameystiran Inshaa Allah

Exit mobile version