Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda doorashooyinka heer Federaal ee FEIT Cabdi Xiis Udaan ayaa Warqad Qoraal ah u diray Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ka jira .
Guddoomiye Cabdi Xiis ayaa Madaxda waxaa uu ku wargeliyay in habraacyadii doorashada Golaha Shacabka ee shalay warbaahinta lala wadaagay in aan loo marin waddadii ku habooneyd, isla markaana aysan jirin wax uu ka og yahay.
Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda FEIT ayaa Qoraalka uu u diray Madaxda Golaha Wadatshiga Qaranka ugu caddeeyay inuu beri ka yahay wax kasta oo caqabado ah ee ka dhasha habraacyadii doorashada Golaha Shacabka ee la shaaciyay.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa xalay kasoo horjeestay habraacyadii doorashada Golaha Shacabka ee shalay soo saareen Guddiga doorashooyinka heer Federaal ee uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Cirro.