WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Jubbaland oo si kulul uga hadashay duqeymaha Kenya ee Gedo

By Xuseen Post

June 07, 2021

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka golaha amniga Jubbaland, kaas oo bishiiba mar qabsooma islamarkaana looga hadlo xaaladda Amniga guud ee deegaannada Jubbaland.

Sidoo kale waxaa kulanka ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ee qaybta ka ah golaha Amniga, Saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Jubbaland, kuwa Xooga Dalka iyo ciidamada qaybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

Kulanka diiradda lagu saaray qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin xoojinta la dagaallanka Al-Shabaab, Xoreynta Gobolka Jubbadda dhexe iyo deegaanada kale ee ka maqan gacanta Dowladda Jubbaland iyo udiyaar garowga sugidda Amniga doorashooyinka dalka qaybta kaga aaddan Jubbaland.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO

Waxaa sidokale shirka ad loogu cambareeyay duqaymihii kadhacay degaanka ceelcade iyo degaanno hostaga Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kuwaa oo ay ku wax yeeloobeen Shacabka halkaa kudhaqan iyo hantidooda, waxayna dowlada dhexe ugu baaqeen in ay arinkaasi wax ka qabato.