WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo War-murtiyeed wadajir ah soo saaray

By xuseen waashitoon

December 17, 2021

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay shirar looga hadlay Arrimo dhowr ah ku yeeshay Magaalada Kismaayo.

War-saxaafadeed Wadajir ah oo ay soo saareen Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in labada Madaxweyne Goboleed ay ka shireen Arrimaha Amniga, horumarinta, dhaqaalaha, Ganacsiga, xoojinta wadashaqeynta ka dhexeeysa labada dhinac iyo dardar-gelinta doorashooyinka.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa walaac ka muujiyey abaaraha baahsan ee ka jira dalka gaar ahaan deegaanada labada maamul, iyagoona ku baaqay in gurmad Deg-deg ah lala gaaro shacabka ay abaaraha saameeyeen.

Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa isla garwaaqsaday in qabsoomida iyo dardar-gelinta dhameystirka doorasho hufnaan ay xal u tahay horumarka iyo badbaadada dalka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA