WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Gudoomiye Jawaari oo lagu cadaadinayo inuu is casilo iyo Lacagihii ugu badnaa oo Hotelada lagu qeybinayo-Video

By Abdi rashid

March 21, 2018

Xildhibaano ka tirsanaa Baarlamaankii hore ee Soomaaliya oo  shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari inuu is casilo.

Waxay dhamaantooda ka sinaayeen Xildhibaanada kulmay inuu Jawaari ku tuntay qodobo ka mid ah dastuurka,islamarkaana uu diidan yahay horumarka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada oo mudo afar sano la soo dhaqmayay Jawaari shir guddoona u ahaa Jawaari ayaa sheegay intaan la gaarin qaadista codka Xildhibaanada inuu is casilo Jawaari.

HALKAN KA DAAWO VIDEO