WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Jadwalka Doorashada Golaha Shacabka oo la shaaciyay

By Xuseen Post

September 05, 2021

Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa wadajir usoo saaray Jadwalka Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamanka iyo qaybaha ka haray Aqalka sare ee dalka.

Guddiga doorashooyinka oo Qoraal soo saaray  ayaa waxaa marka hore lagu sheegay in doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka lagu dhameystirayo 5-ta bisha September 2021 ilaa 18-ka bishaan.

Guddiga ayaa Jadwalka ay soo saareen ku sheegay in Diyaarinta iyo Diiwaan-gelinta Ergooyinka iyo Musharaxiinta Xildhibaanada Golaha Shacabka ay bilaabaneyso 25-ka Sep.

Jadwadka ay soo saareen Guddiga doorashooyinka ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada oo weli ay taagan tahay diidmada habraacii doorashada Golaha Shacabka oo ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka, kaas oo siweyn looga soo horjeedo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA