Laascaanood ( HM ) Jabhadda Korneel Caarre ayaa sheegtay inay Deegaano horleh ka qabsatay Somaliland, gaar ahaan Deegaanka Xeebta ku yaala ee Maydh iyo Saldhigii Ciidamada Badda ee Halkaasi ku yaallay, iyadoo maalintii shalay uu dagaal dhexmaray Labada dhinac.
Afhayeenka Jabhadda Dulmidiid Sakariye Nuur Cabdilaahi ayaa ka warbixiyey wararkii ugu danbeeyey ee deegaan xeebeedka Maydh, Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag Wuxuu sheegay inay gacanta ku hayaan Deegaanka Xeebta ee Maydh iyo Buuraylada Daallo “Waxaanu la wareegnay Saanadii iyo Xaruntii Ciidamada Badda oo si Fudud isugu dhiibay Jabhadda Dulmi diid.”
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Isagoo ka hadlayey dagaalkii dhexmaray Labada dhinac ayuu sheegay inay khasaare xoogan gaadhsiiyeen Ciidamada Somaliland.
Madaxwyanaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeisa ayaa Rajjo wanaagsan ka muujiyey Xaalada Gobolka Sanaag iyo Xiisada kala dhaxaysa Jabhada Kornayl Caarre.