WARARKA SOOMAALI

Daawo- Jaaliyadda Sucuudiga ee beelaha Khayr Abdi & M Garaad oo taageray dedaalada Nabada-Video.

By News Hour

March 16, 2017

Dalka Sucuudiga waxa isugu yimid jaaliyadda labada qoys ee walaala ah ee Maxamed Garaad {Bah-ararsame}iyo Khayd Cabdi{Qayaad}, waxayna si balaadhan u soo dhaweeyeen nabadeynta iyo dedaalada ay wadaan Culimo’awdiinka gobolka Sool ee ku aadan soo afjarida shaqaaqada inta mudada ah socotay ee dhiigu ku daatay, waxayna sheegeen inay taageerayaan dedaladaas si wada jir ah, ayna wanaag ka qaadan donaan si wadajir ah.

HALKAN KA DAAWO….

Odayaasha, waxgaradka iyo guurtida labada jaaliyadood ayaa si weyn uga soo duceeyey dhulka Barakaysan ee Sucuudiga oo ragga hadlayaa qaarkood Cimro u joogaan sida ay sheegeen odayaasha iyo waxgaradka hadlay.

Horufadhi.com@gmail.com