Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Itoobiya oo ku dhawaaqday xabbad joojin iyo Xaaladda Mekelle

Wakaaladaha wararka caalamiga ah ayaa soo tebinaya in maamulka ku meel-gaarka ah ee dowladda Itoobiya ay u magacawday gobolka Tigray uu ku dhowaaqay xabbad joojin ka hirgasha gobolkaasi, taasi oo ay taageertay dowladda dhexe ee federaalka.

Wakaaladda wararka Associated Press ayaa soo tebisay in dowladdu ay si iskeed ah ugu dhawaaqday xabbad joojin degdeg ah. Warka xabbad joojinta waxaa xaqiijisay warbaahinta taageerta dowladda Itoobiya.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sidoo kale soo tebisay in maamulkii ay dowladda Itoobiya u magacawday gobolka Tigray ay ka baxeen magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray, iyadoo dhinaca kalena ciidamo la baxay Tigray Defense Forces ay galeen magaalada.

Af-hayeenka TPLF Getachew Reda ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in ay gacanta ku dhigeen magaalada Mekelle.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in xabbad-joojintu ay socon doonto illaa dhammaadka xilliga beer falashada, waxayna sheegtay in ujeeddadu tahay in beeralaydu ay helaan fursad ay ku qotaan dhulkooda. Dowladda ayaa ku amartay dhammaan hay’adaha federaalka in loo hoggaansamo xabbad joojinta.

Exit mobile version