Muqdisho ( HM) Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysa Xarunta akademiyada booliska Jen. Kaahiye (Iskoolo Buluusiyo) ee magaalada Muqdisho ugu Jeediyey Xildhibaanada labada gole ee dowladda Soomaaliya.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Madaxwayne Geelle ayaa ka hadlay Muhiimadda ay leedahay Dawladnimada, Wadashaqaynta Goleyaasha Dawladda iyo Xildhibaanadu ay Shacabka ka Turjumaan Baahidooda dhabta ah.
Geelle ayaa ku dheeraaday Masuuliyadda saaran Hogaanka Bulshadu ay doortay, Wuxuuna Xildhibaanada labada Gole kula dar-daarmay inay u Tanaasulaan markasta oo ay Hormiyaraan danta Qaranka, Halka ay ka Fekeri lahaayeen Dan-gaar ah.
Aroortii inta aysan shaqada gelin ayuu ku Booriyey inay Xasuustaan Dhibaatada haysata dadka Soomaaliyeed, Kuwa duruufaysan iy Kuwa Barakacay oo Ka sugaya inay wax u Qabato Dawaldoodu.
Khudbadda madaxwayne Geelle ayaa la filayaa inay meesha ka saarto Mad-madow Mudooyinkii dambe ku dhexjiray Labada Golle ee Baarlamaanka.