WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Isbaheysi ka dhan ah MW Axmed Madoobe oo lagu dhawaaqay

By xuseen waashitoon

August 23, 2022

Waxaa Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Isbaheysi siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, kadib markii Baarlamaanka Maamulkiisa ay muddo xileedka u kordhiyeen.

Isbaheysiga oo la magac baxay Badbaadada Jubbaland ayaa waxaa kasoo muuqday Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Jubbaland, Wasiirkii hore ee amniga Maamulkaas Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janaan, Odayaal dhaqan iyo siyaasiyiin kale.

Wasiirkii hore amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in marnaba aysan ogolaa doonin mudo kororsiga uu dorraad u codeeyey Baarlamaanka Jubbaland.

Wuxuu sheegay in qorshaha mudo kororsiga ah ee Axmed Madoobe aysan ku qanacsaneyn xubnihii codeeyey ee baarlamaanka Jubbaland, balse uu ku yimid amar uu bixiyey Madaxweyne Axmed Madoobe oo jooga Dubai Imaaraadka.

Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa hal sanno oo dheeraad ah xilka ugu kordhiyey Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, muddo xileedkiisa Madaxweynaha Jubbaland ayaa ahaa afar sanno.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA