WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Ingiriiska oo wada-hadal la galaya kooxda Taalibaan

By Xuseen Post

September 01, 2021

Dowladda Ingiriiska ayaa xaqiijisay in mas’uuliyiinteeda ay billaabeen wadahadallo ay la yeelanayaan wakiilo sarsare oo ka tirsan Taalibaan kaas oo ku qotoma sidii muwaadiniinta Ingiriiska iyo kuwa reer Afgaanistaan si nabadgelyo ah loogu daad gureyn lahaa UK.

Xafiiska arrimaha dibadda ee Britain ayaa sheegay inay shaqaale dheeraad ah u dirayaan dalalka deriska la ah Afghanistan si ay u caawiyaan dadka isku dayaya inay qaxaan.

Dhanka kale madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa difaacay go’aankiisa ahaa in ciidamada Mareykanka laga saaro Afghanistan, tallaabadaas oo keentay in Taliban ay dib ugu soo noqdaan awoodda.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO

Ku sii-dheerayntu ma ahayn ikhtiyaar, ayuu Mr Biden ku yiri khudbad uu jeediyay maalin kadib markii uu dhammaaday 20-sano oo uu Mareykanku joogay Afghanistan.Article share tools