WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Hirshabeelle oo Guddi baaris u magacaawday Taliye Ciidan oo la dilay

By xuseen waashitoon

February 18, 2022

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay Magacaabay Gudi Baaris ku sameeya Dilka Taliyihii Saldhiga Booliiska Degmada Beledweyne Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Xueen Maxamuud( Duurdege).

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa lagu magacaabay Guddiga baarista kusoo sameeyn doona dilka Taliyihii Saldhiga Baladweyne oo ku dhintay dagaal dhexmaray Ciidanka Haramcad iyo kuwa Booliska Hirshabeelle.

Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Guudlaawe ayaa ka kooban 7-xubnood, waxaana Guddoomiye looga dhigay ku-xigeenka Xeer ilaaliyada guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee qeybta 27-aad Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir iyo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga oo laga dhigay Taliyaha Booliska Hirshabeelle Xasan Dhicisow Xasan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA