WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Heshiis Nabadeed oo ka dhacay Degmada Widhwidh ee Gobalka Cayn-Video+Waraysi

By Abdi rashid

March 25, 2019

Buuhoodle (HM)-Degmada Widh Widh ee gobolka Cayn waxaa maalintii shalay galinkeedii dambe lagu soo gabo gabeeyay shir nabadeed lagu xalinayey xurguf iyo dilal ka dhacay deegaanka Gocondhaale oo dhaca duleedka Magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Beelaha dirirtu u dhaxaysay oo dhex dhexaadin ay ka dhex sameeyeen qaar kamid ah Beelaha kale ee gobolka Cayn iyo Cuqaasha iyo waxgaradka Deegaanka ayaa ugu dambeyntii Heshiis rasmi ah laga gaadhay shaqaaqadii u dhaxaysa labada Beelood ee walaalaha ah, waxaana shirkaasi nabadeed ka qayb galay Isimadda dhaqanka gobolka Cayn, waxgarad, culimo awiidn iyo odayaal dhaqameed ka kala socday labada Beelood ee heshiisku dhex maray.

WARAYSI