WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Hay,adda Culimadda Soomaaliyeed oo war ka soo saartay Xiisadda Tukaraq-Video

By Abdi rashid

January 29, 2018

Hey’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Muqdisho, kaga hadlay colaada ka jirta deegaanka Tukaraq ee ka tirsan Gobolka Sool, kaasoo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Culimada ayaa ugu baaqay maamulada Somaliland iyo Puntland inay khilaafkooda ku xaliyaan si nabad ah, allena uga baqaan daadinta dhiigga muslimiinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale Culimada ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan kara burbur iyo barakac colaadaas, iyadoo deegaanka ay ka jiraan duruufo adag.

Culimada ayaa ugu baaqay labada dhinac inay joojuyaan abaabulada ciidan iyo erayada xanafta leh ee sii hurinaya colaada.