WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Hay,adda Culimadda Soomaaliyeed oo war adag kasoo saaray Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya-Video

By Abdi rashid

December 31, 2017

Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa bayaan kasoo saartay Khilaafka Siyaasadeed ee xiligan ka jira dalka, waxa ayna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen in ay ilaashadaan Diintooda iyo dowladnimadooda.

Bayaan kasoo baxay Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa loogu baaqay kooxda Mucaaradka ku ah dowladda in Mucaaradnimadooda ay noqoto mid wax dhista balse aysan noqon mid wax dumineysa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in aan la aqbali karin in gudaha dalka ay joogaan ciidamo dowladdo shisheeye u adeega, Wuxuuna Kooxaha Mucaaridka ah uga digay inay dalka dib u celiyaan, Wuxuuna waydiiyey hadii farmaamo iyo Khayre meesha laga saaro, Cida Ballan Qaadaysa inay imaan doonaan Madax ka fiican ?

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku Baaqay in laga wada Shaqeeyo Danta Guud, Wuxuuna sheegay inaan la Aqbali karin in dhibaato Dalka loo horseedo, iyadoona Dan gaar ah la eegayo, Wuxuuna ku baaqay in la Loo Helo Faragelinta Shisheeyaha ” Waa in la helaa ciidamo danaha qaranka ka shaqeeya oo amarka madaxda dowladda ku shaqeeya”. Ayuu yidhi.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sheegay in Culimadu ay Horseed u yihiin Bulshada Soomaaliyeed, Wuxuuna shacabka ugu baaqay inay raacaan Tusaallaha Culimada isagoo sheegay inaan la Aqbali karin wax dhaawacyaa Diinteena Suubaan . ” Raali kama noqon doono in diin aan diinteena ahayn dalka Soomaaliya lagu Faafiyo”. Ayuu yidhi.

Hadalkan Culimada Soomaaliyeed ayaa kusuu Beegmaya iyadoo  maalintii shalay Gurigiisa Ciidamo  ay Weerar ku galeen, Kuwaasi oo Madaxda Dawladda ugu saraysa ay siwayn uga Horyimaadeen Xabsigana la dhigay.