HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Hadal haynta khaladaadka ka dhashay Hab maamuuska Soo dhaweyntii Farmaajo ee Garoowe-Video

Garoowe (HM)-Soo dhaweynti Safarkii maanta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu ku tagay magaalada Garowe ayaa waxaa ka dhashay qaladaad Hab-maamuus, sida la dheehan karay muuqaalada waxaa sababteeda lahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Xasan Cali Kheyre.

Sida caadada ah marka uu Madaxweyne ku safraayo gudaha dalkiisa waa iska caadi in Ra’iisul Wasaarihiisa ku soo dhaweeyo garoonka ama afaafka hore ee magaalada (hadii dhul lagu safraayay) waase marka aanan laga laheyn soo dhaweyntaas hab-maamuus ahaan.

Hab-Maamuuska soo dhaweynta maanta ee Garowe waxaa lahaa mas’uulka martida loo wada yahay oo ah Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo Madaxweynaha Iyo Ra’iisul Wasaarihiisa marti u wada yihiin, xaqna uu u lahaa in loo madax baneeyo soo dhaweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda isla markaana helo salaanta koowaad ee Madaxweynaha, dhinac socoshadiisa iyo dad isbarista (Madaxweynaha iyo mudanayaasha safka taagan) taasoo macnaheedu yahay in Hab-maamuus ahaan qalad asal ah aheyd in Ra’iisul Wasaaraha tago garoonka diyaaradaha maadaama uusan maamuus meeshaa ku laheyn xitaa haduu Madaxweynaha safarkiisa ku wehlin lahaa (isku diyaarad wada ahaan lahaayeen).

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sida Caadada u noqotay Madaxda maanta Iyo kuwi horaba dadkuna la qabsadeen, balse dhaawaceysa shuruucda Hab-maamuus waa in marka madaxda la soo dhoweynaayo aad arkeyso Madaxweynaha Iyo mas’uuliyiin xil ahaan ka hooseeya oo laabta isgalinaya, isla markaana dhabanada isa saaraya taasoo laga dheehan karay safarka maanta dad mas’uuliyiin iyo shacab isugu jira oo taagnaa safka salaanta, isla markaana laabta galinaya, dhabanadana saaraya Madaxweynaha.

Maadaama Raisul Wasaaraha xil ahaan ka sareeyo Madaxweynaha Puntland waxey sababtay in uu maroorsado Hab-maamuuski soo dhaweyneed ee uu lahaa Mas’uulka martida loo yahay, isla markaana horboodo soo dhawenta, waxaana la arkayay hab-maamuuska Puntland oo u cuntami weyday in doorki soo dhaweynta Madaxweyne Saciid Deni meesha ka baxay iskuna dayeen in Ra’iisul Wasaaraha ku baraarujiyaan in uusan laheyn doorka uu qaatay ee ah fursada is barista martida safka taagan iyo Madaxweynahana siiyo Madaxweyne Deni waxaana la arkayay in uu soo dhex galay oo idan sharafeedna uu siiyay Ra’iisul Wasaaraha inuu sii wato doorkiisa mas’uulki martida loo ahaa oo ah Madaxweynaha Puntland.

Qaladaadka Hab-maamuuseed ee maanta Ra’iisul Wasaaruhu intaa kuma ekeene wuxuu u sii tallaabay doorki salaan sharafta Madaxweynaha, isagoo kula tartamayay gacan qaadka martida safka taagan waxaase layaab lahey in uusan ku ekaan gacan qaad kaliya ee la arkayay, isagoo Marwo Xildhibaan aheyd inta gacanta soo qabtay ku soo jiiday rooga Cas ee loogu tala galay in Mas’uulka la soo dhaweynayo iyo mudanaha soo dhoweynayo ku dul socdaaan  waxaana jiray isku dhex yaac badan oo rooga Cas dushiisa ah lana kala yeelan waayay xuquuq ku socodka rooga Cas.

Qaladaadka Ra’iisul Wasaaraha meeshaa kuma harin ee marki qeybta VIP-da garoonka diyaaradaha la galay ayaa goobti kuraasta fadhiga ayaa la arkayay in Ra’iisul Wasaaraha uu wali garan in uusan laheyn boosna uga banaaneen soo dhaweynta maanta ayuu hadana isagoo ka faaiideysanaaya sareen xileedkiisa qaatay booski uu fariisan lahaa Madaxweynaha Puntland ee martida loo yahay, isagoo iska indha tiray calanka gadaashiisa yaalay oo ah midka maamulka martida loo yahay, mas’uulki xaqqa u lahaa matalaadana uu meesha fadhiyo.

By Abdikadir Mohamed Ali

Exit mobile version