WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Gudoomiye Jawaari oo goordhow shir jaraa,id qabtay kana hadlay sababta uu Madaxweyne Farmaajo u baajiyey kulankii Baarlamaanka ee Maanta-Video

By Abdi rashid

March 31, 2018

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa faah faahin ka bixiyay sababihii loo baajiyay kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa.

Shir jaraa’id oo uu goor dhow ku qabtay Xarunta Villa Hargeysa ayaa Guddoomiye Jawaari ku sheegay in kulanka maanta loo hakiyay codsi ka yimid Madaxweynaha oo xalay saqdii dhexe illaa waabarigii kulan la qaatay Guddoonka Golaha Shacabka.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay inay ogolaadeen wixii khilaaf ee jira xal laga gaaro, isla markaana loo turo shacabka, isla markaana midnimada iyo wadajirka Baarlamaanka lagu dadaalo.

“Aniga iyo labadeyda kuxigeen waxaan la kulanay Madaxweyne Faramajo, wuxuu soo jeediyay in kulanka maanta la hakiyo, si xaalada loo dejiyo, anagana waa ka wada aqbalnay soo jeedinta Madaxweynaha”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in dib laga soo sheegi doono, wixii kale ee dhiman, si loo helo xasilooni siyaaasadeed sida uu yiri.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa uu ugu baaqay Xildhibaanada inay aqbalaan soo jeedinta Madaxweynaha, lana ilaaliyo bedqabka iyo wadajirka Baarlamaanka sida uu yiri.

Kulankii Baarlamaanka ee maanta loo balansanaa ayaa Xildhibaanada iska soo horjeeda kala wateen labo ajande ah, waxaana laga cabsi qabay fowdo iyo qalalaase siyaasadeed oo hareeya dalka.