Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Dhoobo-dareed oo ku baaqay shir ka dhan ah maamulka Puntland 3 Gobolna baaq u diray.

Ceerigaabo (HM) Gudoomiyihii Xilka laga qaaday ee Baarlamaanka maamul gobaleedka Puntland Cabdixakiin Dhoobo-daareed oo Shir Jaraa’id ku Qabtay goor aan fogeyn degmada Xiin-galool ayaa hadlay Arimo kala duwan xili ay jirto xiisad ka dhalatay xil ka xayuubintiisa.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Arintii Foosha Xumayd ee Waxshinimada ahayd ee salka ku haysay Kibir iyo Caqli Xumo, kana dhacday Garoowe waxaan uga Tacsinayaynaa Shacabka Puntland iyo Shacabka Soomaaliyeed oo dhan,  Waxaa laga baxay Sharciyadii iyo Nidaamkii Dawladnimo, Waxaana lagu dhaqmay Arin Qabiil oo Qaab daran”.

“Qoladaasi waxay si cad u dhaheen ma jirto wax la dhaho Puntland, Wax lagu heshiyey Ma jiraan, Ficil ahaan ayayna u dhaheen.”

“Puntland maanta Badbaado ayay u baahantahay, Way ka weecatay Wixii loo dhistay iyo Wax wadaagii lagu dhisatay, waxay u Afduuban tahay Kooxyar, Meel fog ayaa laga dooni doonaa hadaan laga badbaadin Kooxdan”. Ayuu yidho Dhoobodaareed.

Gudoomiye dhoobo Wuxuu si gaar ah ula hadlay Shacabka Gobalada Bari iyo Sanaag oo uu sheegay inay Arintan si gaar ah u taabatay, Wuxuuna u soo jeediyey in laga tashado Qaabkii Puntland ay ula dhaqmi lahaayeen, Wuxuu xusay inuu Safar ku tagi doono Magaalooyin kala duwan.

Dhinaca kale wuxuu sheegay inuu soo dhowaynayo inay wax wada qabsadaan Bulshada Gobolka Sool iyo cid kasta oo ka xumaatay Falkii Foosha Xumaa ee ka dhacay Xarunta Baaarlamaanka sida uu hadalka u dhigay siyaasigan xil ka qaadistiisa ku tilmaamay waxba kama jiraanka.

Ugu dambaytii wuxuu sheegay inuu yahay Gudoomiyaha Xaqa ah ee Baarlamaanka Puntland, Wuxuuna ka digay warbaahintu inay u adeegsato “Gudoomiyihii hore ee Baarlaamanka Puntland” ayuu raacsaday haalkiisa xili uu dibad wareeg yahay Dhoobo-dareed.

Horufadhi News

Exit mobile version