WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Guddoomiyaha G/Gedo oo ka horyimid Gudigii uu magacaabay RW Rooble

By xuseen waashitoon

March 02, 2022

Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Gedo ee dowladda Federaalka Axmed Bulle Gareed ayaa sheegay in shacabka Gobolka Gedo iyo maamulkooda aysan ku qanacsaneen guddiga uu Ra’iisul Wasaare Rooble u magacaabay qiimeynta in doorashada lagu qaban karo magaalada Garbahaareey.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in wixii dhib ah ee ka dhasha hadii ay yimaadaan Guddigaas degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ay qaadi doonaan dadkii soo diray Guddigaas.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dowladda ayaa sheegay in Abuukaato Cumar Dhageey uu u socdo in Garbahaarreey uu kasoo gudbiyo wax aan jirin oo uu qorsheynayo in Magaaladaas laga wareejiyo doorashada Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan Guddi ka kooban 7 xubnood magacaabay, kuwaasi oo qiimeyn ku sameeyn doona sidii ay doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka uga dhici laheyd Garbahaareey.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA