WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Goormee ayey Doorashada Golaha Shacabka ka bilaabaneysaa DG dalka?

By xuseen waashitoon

November 05, 2021

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa shaaciyay in todobaadyada soo socda doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ay si rasmi ah uga bilaabaneyso dowlad Goboleedyada dalka.

Guddoomiye Cirro oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inuu soo dhammaaday diyaar garoowga doorashada Golaha Shacabka, isla markaana doorashada ka bilaabatay Magaalada Muqdisho, ayna todobaadyada soo socda ka bilaabaneyso degaanada maamulada dalka.

Wuxuu intaas hadalkiisa kusii daray Maxamed Cirro inay Magaalooyinka maamul Goboleedyada ee loo qorsheeyay inay ka dhacaan doorashooyinka ay u daabuli doonaan agabka doorashooyinka oo dhameystiran sida Warqadaha Cobixinta, Sanduuqyada iyo agabyo kale oo muhiim ah.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa tilmaamay inay rajo wanaagsan ka qabaan in doorashooyinka Golaha Shacabka ay kusoo dhammaato waqti aan badneyn, maadaama uu diyaar garoowga doorashada ee Guddiyada heer Federaal iyo heer maamul uu kasoo dhammaaday.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Doorashada Golaha Shacabka ayaa todobaadkaan ka bilaabatay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana Xildhibaankii ugu horreeyay ee kasoo jeeda Gobola Waqooyi ee Somaliland loo doortay Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.