WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Golaha Wasiirada oo ansixiyey Miisaaniyada KMG-ka ah ee Dowladda

By xuseen waashitoon

March 13, 2022

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayay Ra’iisul Wasaare  Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey Miisaaniyad KMG ah oo dhan $ 206,474,223, taasoo loo qoondeeyey howl fulinta dowladda ee bilaha   April ilaa June ee sanadkan..

Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa golaha wasiirrada u soo bandhigay Miisaaniyadda KMG ah oo faahfaahsan una sharaxay muhiimada ay u leedahay dalka, iyadoo goluhu si buuxda leh u meel mariyay miisaaniyadda rubaca labaad ee sanadka, si aysan hakad u galin howlaha dowladda, maadaama dalku ku jiro doorashooyin.

Shirka Golah Wasiirrada ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya iyo dadaallada dowladda ee wax ka qabashada abaaraha dalka ka jira.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA