Qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka deegaamada Puntland gaar ahaan gobolka Nugaal oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa waxa ay siweyn u cambaareeyeen hadal Kasoo baxay madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Siyaasi Aadan Maxamed Ciise (Gaadaale) iyo wasiirkii hore ee amniga Puntland Xasan Cismaan Maxamuud (Alloore) oo warbaahinta gudaha lahadlay ayaa sheegay in shacabka Puntland ay mid yihiin, aysana u baahnayn xiligaan kala qoqob, waxaana ay raaligelin u direen madaxweynaha dowladda Puntland.