WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Galmudug oo si rasmi ah ula wareegtay Guriceel, kadib dagaal qaraar oo…

By xuseen waashitoon

October 23, 2021

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in ay Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca ka qabsadeen magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kadib dagaal culus oo maanta halkaas ka dhacay, kaasi oo geystay khasaaro kala duwan.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa Galabta Warbaahinta u sheegay in Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug si rasmiya gacanta ugu dhigeen Guriceel, islamarkaana ka saareen Xoogagga Ahlusunna.

Wasiirka ayaa sheegay in maxaabiis Arday ah oo laga soo ururiyay dugsiyada Qur’aanka laga qabtay Ahlusunna Waljamaaca, wuxuuna Saraakiisha Ciidamada ugu baaqay in si wanaagsan loola dhaqmo maxaabiista.

Sidoo kale, wuxu sheegay in ay weli ku raad-joogaan Hoggaanka Ahlusunna oo sida uu xusay tallaabada ku habboon laga qaadi doono, isla markaana waxaa uu shacabkii ku barakacay Colaada Guriceel ugu baaqay inay dib ugu soo laabtan Magaalada.

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay dagaal xoogan oo saakay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca ku dhexmaray Guriceel, waxaana Galmudug ay sheegtay inay qabsadeen inta badan Magaaladaas oo weli dagaal uu ka socdo, isla markaana la maqlayo dhawaqa rasaas goos-goos ah.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA