Hargeisa (HM ) Magaalada Hargeisa Ciidamada Booliiska ayaa gaadhigii Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani Abdirahman Cirro, Ka dhex qaatay Suuqa Bandhantiisa, Iyadoo Ciidamadii Ilaaladiisa ahaa oo lagu amray inay xeryahoodi ku laabtaan.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Afhayeenka Xisbiga Wadani Barkhad Jaamac Batuun ayaa si adag uga hadlay Gaadhiga Gudoomiyaha ee la Qaatay, Wuxuuna xusay in Ciidanka Ilaaliya ay ka tirsanyihiin Ciidamada Somaliland oo aysan Ahayn Ciidan gaar ah.
Wuxuu sheegay in Gudoomiye Cirro uu Xaq u leeyahay in Amnigiisa la sugo, Sida uu Muuse biixi Xaq ugu leeyahay, Wuxuuna xusay in Ciidamada iyo Gaadhiga la Qabtay loo maray Sifo Khaldan.
“Waxaan Xukuumadda ugu baaqayaa inay 24-Saacadood kusoo dayaan Gaadhiga Gudoomiye C.raxmaan Cirro, oo Raali gelin buuxa ay ka bixiso Ficilkaa Foosha Xun ee ay kula Kacday Gudoomiyaha, Ficilada hada soo baxayaa waa kuwa Baal-marsan Nidaamka Amniga, Xaqdhowrka Sharafta Xisbiyadda, iyo Wadajirka Umadda” Ayuu yidhi Barkhad Jaamac Batuun.