Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah xafiiskiisa madaxtooyada kula yeeshay markii ugu horeysay iyaga oo wadajira gudoomiyeyaasha labada xisbi ee mucaaridka ee WADDANI iyo UCID, C.raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Faysal Cali Waraabe.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Faysal ayaa sheegay in Qodobada looga hadlay Kulankaasi ay ugu waynaayeen, Sida Xal looga gaadhi lahaa Kala Qaybsanaantii ka dhalatay Doorashada, Dhamaystirka Heshiiskii Khaatumo, Xaalada Tukaraq iyo Taageerada Ciidanka, iyo Sida loo bilaabi lahaa Wadahadalkii u dhexeeyay DF Somalia iyo maamulka Somaliland.