Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Eng Yariisow Gudoomiyaha cusub ee G.Banaadir“Waxaa naga go’an horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha”-Video

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), ku-xigeenka Maaliyadda iyo Xog-hayaha gobolka ayaa kulan la qaatay madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Mr. Hugh Riddell. Waxana ay ka wada hadleen wada-shaqeynta iyo iskaashi ka dhexeeya hay’adda iyo maamulka gobolka sidii loo xoojin lahaa.

Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Mr. Hugh Riddell ayaa boggaadiyey maamulka cusub, isagoona uga mahadceliyey maamulkii hore in si nabad ah oo dimoqoraadi ah ay xilka u wareejiyeen, tani oo cadeynaysa in dadka Soomaaliyeed u bislaadeen adkeynta dawladnimada. Mr Riddell ayaa balan-qaaday inuu sii xoojin doono taageerada uu bangigu siiyo maamulka gobolka Benaadir si loo hirgeliyo adeeg bulsho oo dhameystiran.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Waxaa naga go’an horumarinta kaabayaasha dhaqaale iyo dhismaha hay’adaha dawladda hoose ee Xamar. Bangiga Adduunku wuxuu mashaariic ka fulin doonaa magaalooyinka waaweyn ee dalka oo ugu horeyso Muqdisho, si ay dadku u helaan adeegyada bulsho ee ay u baahan yihiin, waxana ka wada shaqeynaynaa kobcinta ilaha dhaqaale, federaaleynta, yareynta saboolnimada iyo in la xaqiijiyo mashaariicdu iney gaareen meelihii loo qorsheeyey”. Ayuu yiri Madaxa Bangiga Adduunka oo intaas ku daray muhiimadda ay leedahay in dadka Muqdisho ay maamulka kala shaqeeyaan bixinta canshuuraha si loo gaaro horumar iyo isku filnaasho.

Exit mobile version