Muqdisho ( HM ) Gudiga Dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in maalinta khamiista ah ay qaban doonaa shir caalami ah oo looga hadlayo sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya.
Guodomiyaha Gudigan Dr. Cali Ciise Cabdi ayaa siwayn uga hadlay Qorsheyaasha la doonayo in lagu dhiso Dhaqaallaha Soomaaliya, Islamarkaana looga dhigo kuwa ugu Horeeya Caalamka, Iyadoo Hada ay Soomaaliya ku jirto kuwa ugu Liita.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Prof. Xuseen Warsame oo kamid ah Xubnaha Gudigan, Islamarkaana Jaamacad ku taala dalka Canada Bare ka ah Gaar ahaan Qaybta Xisaabaadka, ayaa sheegay inay doonayaan In Shirkan la isugu yimaado Mucaarad, Xukuumad, Maamulo, Aqoonyahan iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada, islamarkaana looga tashanayo dib udhiska dhaqaallaha.
Wuxuu sheegay in Soomaalida uu dagaal kala geeyay, Balse uu isku keeni doono Dhaqaalle, Isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in xooga la saaro dhaqaalaha, Sida in lasoo saaro Bartoorka, Beeraha , Xidhiidhka Gobolka geeska Afrika, Wuxuuna xusay inay Soomaalidu tahay dad ku wanaagsan Tartanka dhaqaallaha.