Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Dowladda Turkiga oo ka aamusi diiday xaalada Soomaaliya & dalab culus oo ay caalamka hor dhigtay-Video

Ankara ( HM) Wasiirka arrimaha dibedda Turkey ayaa axaddii sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay caawimaadda Turkey, si loo xaqiijiyo inay hesho xasilooni siyaasadeed islamarkaana dib loogu qaabeeyo ciidamada amniga qaranka, si ay taasi u abuurto jawi ogolaan doona horumar dhaqaale.

Mevlut Cavusoglu ayaa hadalka ka sheegay kulanka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Urur Iskaashiga Islaamka oo ka furmay magaalada Doha ee dalka Qatar.

“Waa waajib saaran umadda [Islaamka], si ay uga gargaaraan dhibka Soomaaliya” ayuu yiri Cavusoglu, oo intaas ku daray in loo baahan yahay in is-faham la gaaro si loo xaqiijiyo nabadda Soomaaliya, islamarkaana khilaafyada dhinac la iska dhigo.

Cavusoglu ayaa sheegay in loo baahan yahay wada-shaqeyn si sare loogu qaado maqaamka Soomaaliya ee caalamka.

HALKAN KA DAAWO

“Soomaaliya waxay u baahan tahay caawimaadeenna si loo xaqiijiyo xasilooni siyaasadeed, dib loogu qaabeeyo ciidamada amniga qaranka, islamarkaana loo abuuro jawi ogolaan doona horumar dhaqaale.” Ayuu yiri.

Cavusoglu ayaa sheegay in Turkey ay qeyb qaadatay dhammaan hindisooyinka caalamiga ah ee Soomaaliya, si dalka loo taageero.

“Waxaan fududeynaa, oo aan dhex-dhexaadinaa wada-xaajoodyada Soomaaliya iyo Somaliland,” ayuu yiri isaga oo intaas ku daray in doorashada dhaceysa 2020 ay noqon doonta mid saameyn weyn ku yeelan doonta mustaqbalka Soomaaliya.

Turkey ayaa ah dalka ugu weyn ee taageera Soomaaliya, ka sokowna taageeradiisa, waa dalka kaliya illaa hadda taageero muuqata oo la taaban kara siiya Soomaalida, ayada oo dhammaan dalalka kale ee caalamka ay taageeradooda tahay mid af un ku kooban

Exit mobile version