Site icon HORUFADHI MEDIA |

Dowladda Soomaaliya oo taageertay war kasoo baxay Sucuudiga-Video

Muqdisho (HM)-War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo dhoweeyey bayaankii ka soo baxay wadamada Isbaheysiga Carbeed ee uu hoggaamiyo dalka Sacuudiga, kaas oo lagu taageeray xabad-joojinta ay ku dhawaaqday dowladda Yemen.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ugu baaqeyso dhinacyada dalka Yemen in ay xoojiyaan wadahadalka, si loo abuuro deganaansho.

Sidoo kale dowladda federaalka ayaa shaacisay inay garab taagan tahay howsha ergeyga Qaramada Midoobay ee Yemen, si loo gaaro xal siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Halkaan hoose ka aqqriso:

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay baaq kasoo baxay Madaxda Waddamada isbaheysiga Carbeed ee taageera Xukuumadda sharciga ah ee Yemen ee ku dhawaaqay xabad-joojin ka dhaqan-gasha dalka Yemen muddo labo Todobaad oo ka bilaabmaysay 9 April.

War kasoo baxay Soomaaliya ayaa lagu yiri” Waxay Dowladdu ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada Yemen in ay xoojiyaan wadahadalka si loo abuuro deganaansho, lana xaliyo arrimaha khilaafka keenay si soo afjari karta loolanka siyaasadeed iyo midka nabadgelyo.

Soomaaliya ayaa muujinaysa taageerradeeda dhammaystiran ee Dadaalka Qaramada Midoobey iyo hindisayaasha uu Golaha Ammaanka ka horjeediyay Xoghayaha guud ee Jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa, António Guterres.

Sidoo kale Soomaaliya ayaa waxay xaqiijinaysaa Garab istaaggeeda howsha Ergeyga Qaramada Midoobey ee Yemen si loo gaaro xal siyaasadeed oo loo dhanyahay oo ka guul keena nabadda iyo xasiloonida Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Yemen.

Exit mobile version