Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta shir guddoomiyey kulan dowladda Soomaaliya ay ugu soo bandhigeysay Beesha Caalamka Qorsha Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM lagala wareegayo amaanka dalka.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya,xubno matalayey Beesha Caalamka iyo madax ka socotay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, waxaana lagu sharaxay kulanka qorshaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay AMISOM ugala wareegayaan amaanka Soomaaliya.
Qorshahaan oo ay soo diyaarisay dowladda Soomaaliya ayaa la isla ogolaaday, islamarkaana Beesha Caalamka ay u arkeen qorshahaan mid ku yimid rabitaanka Dowladda Soomaaliyeed oo ay mudantahay in la isla qaato. “Muddo bil ku dhow waxaa la diyaarinayey qorshaha ama marxaladii ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay xilka amniga kula wareegi lahaayeen, waana markii ugu horeysay oo lasoo diyaariyo qorshe Anaga aan leenahay” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh.