WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo si adag uga hadashay dhacdo murugo leh oo ka dhacday duleedka Muqdisho-Video

By Abdi rashid

April 04, 2020

Muqdisho (HM)-Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay fal arxan daro ah oo ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si adag uga hadlay kufsi arxan darra ah ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wasiir Maareeye ayaa falkaasi aadka u xanuunka badan, islamarkaana loo geystay labo gabdhood oo aad u da’yar wuxuu u cambaareeyey si adag isagoona ku tilmaamay mid waxuushnimo ah oo ay gaysteen dad aan lahayn damiir iyo garasho Soomaalinimo toona.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale wasiirka warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku adkeeyey in dowladda Soomaaliya ay ku raad-joogto dadkii ka dambeeyey falkaasi, isagoo hoosta ka xariiqay in la marsiin doono cadaalada, lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Labada gabdhood ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Aamino Muuse Axmed oo saddex jir sano ah jir ah iyo Sumayo Cabaas Cumar oo afar sano jir ah, waxaana haatan iyaga oo ku jira xaalad adag lagu dabiibayaa isbitaalka weyn, Madiina ee magaalada Muqdisho falkan naxariiis darada ah ee lagula kacay Hablahan sabiga ah ayaa hadal hayn qiiiro leh maalmahan abuuray iyadoo dadka Soomaaliyeed.