WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dowladda Soomaaliya oo qabatay shir looga hadlay deyn cafinta Soomaaliya-Video

By Abdi rashid

August 30, 2020

Muqdisho (HM)-Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay dhaqaalaha dalka iyo dardar gelinta qorshaha deyn cafitna dalka.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen sii hayaha wasiirka maaliyadda, guddoomiyaha bangiga dhexe iyo mas’uuliyiinta hey’adaha iyo wasaaradaha qeybta ka ah tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa looga dooday arrimaha dhaqaalaha dalka, gaar ahaan dhibaatadii ka dhalatay xanuunka COVID19.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Sidoo kale kulanka ayaa looga dooday isu diyaarinta shir dhex maraya dowladda iyo IMF oo kamid ah imtixaanaadkii joogtada ahaa ee lagu ogaanayay sida dowladdu ay usoo buuxisay shuruudihii deyn cafinta.

Dhamaan wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda ee ka tirsan tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa la faray inay qeybta uga aadan ka qaataan qorshaha deyn cafinta dalka si loogu guuleysto dhammaan shuruudaha loona gaaro himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Horufadhi News