WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka kala wareegtay hub farabadan

By xuseen waashitoon

January 08, 2023

Wasiirka Gaashandhigga xukuumadda FS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya kala wareegay hub ay ugu talagaleen ciidanka Danab.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre ayaa munaasabadda ay ku wareejinayeen hubka, agab ciidan iyo gadiidka ka sheegay inay tahay deeqdan mid ay ugu talagaleen xoojinta la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahad celiyey dowladda Mareykanka garab istaagga ay u muujiyeen ciidanta, ayna taageeradan fariin u tahay dalalka kale sida Soomaaliya ay ugu diyaar garowday, laguna aamini karo hubka casriga ah.

Wasaaradda gaashandhigga ayaa mudooyinkii dambe xoojijeysay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, iyadoo hadda laga xoreeyey deegano badan oo ku yaalla dalka, sidoo kale waxa ay xoojisay tayeynta iyo kor u qaadidda awoodda ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA