WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dowladda Soomaaliya oo keentay qalabka lagu baadho cudurka Coronovirus-Video

By Abdi rashid

April 07, 2020

Muqdisho (HM)-Dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradeeda Caafimaadka ayaa maanta shaacisay in la howlgeliyey sheybaarka dhexe ee Qaranka oo lagu baarayo dadka looga shakiyo iney qabaan cudurka Coronovirus.

Wasiirka wasaarada caafimaadka ee Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur oo warbaahinta kula hadashay xarunta dhexe ee Sheybaarka qaranka ayaa waxaa ay sheegtay in hadda wxiii ka dambeeya dadka uu ku dhaco Cudurka coronavirus lagu baadhi doono Magaalada Muqdisho oo aan loo diri doonin dalka dibadiisa.

Wasiirka Caafimadka ee Soomaaliya ayaa intaas ku dartay in dheecaanada laga qaado dadka looga shakiyo in ay qabaan cudurka ee dalka dibediisa loo diri jiray ay muddo todobaad ka badan qaadan jirtay in natiijada la ogaado, balse wixii hadda ka dambeeya taas laga gudbay, isla markaana ay saacado yar qaadan doonto baaritaanka maadaama la keenay qalabkii loogi talo galay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

dhanka kale Qoraal kooban oo goordhow  lagu daabacay bogga Wasaaradu Caafimadka ee Soomaaliya  ku leedahay  facebook ayaa lagu sheegay in nin  oday ah 58 jir ah oo degan Muqdisho laga helay cudurka.

” Waxaa soo kordhay xaaladii 8aad oo xanuunka COVID-19 lagu xaqiijiyey. Waa muwaadin Soomaaliyeed oo lab ah, da’diisuna tahay 58 sano, wuxuuna deegaan ku yahay Muqdisho oo safar kuma iman” ayaa lagu qoraalka Wasaarada.

Arrintan ayaa sii xoojineysa walaaca laga qabo in cudurkan uu si hoose ugu faafayo bulshada magaalada Muqdisho oo aan ku baraarugsaneyn halista cudurkan, nolol maalmeedkooda caadiga ahna iska wata.

Waa qofkii labaad ee ka mid ah dadka Muqdisho ku nool oo laga helo cudurkan sida ay sheegtay Wasaarada caafimaadka oo dadweynaha ugu baaqday iney foojignaadaan, isla markaana qaataan talooyinka dhaqaatiirta iyo heyadaha caafimaadka ee la xiriira ka hortaga cudurkan.