WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dowladda Soomaaliya oo Dhaqaale la’aan soo wajahday

By Xuseen Post

April 25, 2021

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo wajahday dhaqaale xumi tii ugu darneyd, kadib markii Beesha Caalamka dhaqaalaha siin jirrtay dowladda ay joojiyeen.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in lacagaha lagu kabi jirey miisaaniyada dowladda Federaalka laga jartay taasina ay ka dhalatay dhaqaalo la’aan.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle waxa uu ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay isku tashadaan oo ay dowladoodu dhaqaale siiyaan, isla markaana Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay ka codsan doonaan shacabka inay dhaqaale ku deeqaan.

Halkaan riix si aad u Daawato Muuqaalka.