WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dowladda Somalia oo Warqad xasaasi ah u dirtay Golaha Amaanka QM

By Xuseen Post

April 10, 2021

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Warqad Jawaab ah u dirtay Madaxweynaha xilka ka dagaya ee Golaha Amaanka Marwa Linda Thomas, taas oo ku aadan mowqifka dowladda ee doorashada dalka ka dhaceysa.

Qoraalkan oo ay dirtay Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso xaalado adag iyo caqabada doorashada, hayeeshee laga bixi doono, lana heshiin doono, iyada oo la muujinaya isku tanaasul.

Dowladda Federaalka ayaa waxaa caddeeysay in faragalin kasta oo hannaanka doorashooyinka qaranka ku sameeyaan xubna dibadda ah in ay tahay faragelin toos ah oo lagu sameeyay Arrimaha gudaha iyo shuruucda Golaha Amniga ee Q/Midoobay.

Sidoo kale Dowladda ayaa tilmaamay in amniga doorashooyinka dalka dhacaya lagu wareejinayayp Guddi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, kadib cabashooyin ka yimid.

Riix si aad u Daawato Muuqaalka Qoraalka.