Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa faah faahin ka bixiyay wareeggii 1-aad ee Dacwadda badda ee taalla Maxkamadda ICJ ee Soomaaliya iyo Kenya oo maalintii shalay aheyd lasoo gaba-gabeeyay.
Xeer Ilaaliyuha Qaranka ayaa waxaa uu bogaadiyey sidii habsamida lahayd ee qareenada Soomaaliya u doodayey dalka ay u soo bandhigeen xujooyin cad-cad oo muujinaya xaq ahaanshaha gal dacwadeedka Soomaaliya iyo mabaadida caalamiga ah ee la xiriirsan xeerka badaha.
Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa waxaa uu tilmaamay in wareeggii 1-aad ee dood afeedka badda Soomaaliya ay kusoo dhammaatay guud, iyadoo ay ka maqan tahay dowladda Kenya oo ka qeyb gelin Dacwadda badda muranka gelisay.
Riix halkaan si aad u daawato Muuqaalka Xeer Ilaaliyaha Qaranka.