WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dowladda Somalia oo Taliska Midowga Yurub kala hadashay Arrin muhiim

By xuseen waashitoon

December 10, 2021

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa kulan la qaatay Saraakiil ka socotay Taliska Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxa ay ugu wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashiga ee ka dhexeeya labada dhinac iyo sidii ciidanka iyo Midowga Yurub ay isaga kaashan lahaayeen howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa laga sheegay in muhiim ay tahay in Midowga Yurub ay laba jibaaraan Taageeradda ay siiyaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ku jira diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee la wareegidda Amniga Guud ee Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliye Odawaa Yuusuf Raage ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saleysan dhinacyo kala duwan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKAÂ