Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud & Guryenta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan macalin ayaa ka hadlay xilliga sida rasmiga ah ee xariga laga jarayo dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye
Wasiirka oo la hadlay Warbahinta Qaranka ayaa ayaa sheegay in qorshuhu ahaa in xariga laga jaro dhismaha wadada Bishii Febaraayo ee la soo dhaafay balse sababao amni darted uu dib ugu dhacay.
Waxa sidokale wasiirka intaa hadalkisa ku daray dhismaha wadada uu haatan yahay geba-gabo, isla markaana la gaarsiiyay Buundada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, dhawaana xariga laga jari doon.
HALKAAN KA DAAWO MAAMULKA
Si kastaba wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo degmada Afooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo isugu jiray miino iyo kuwo Is-miidaamin ah oo Al-shabaab ay la beegsadeen Injineero Turki iyo Soomaali ah, sidoo kalena ay ku dhinteen qaraxyada Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Haramcad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.