WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dowladda Somalia oo Maanta dib ugu soo celisay dalka Tahriibayaal xirnaa

By xuseen waashitoon

January 12, 2022

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay dalka dib ugu soo celisay dhalinyaro tahriibayaal ah oo muddo ku xirnaa dalka Liibiya, kuwaasi oo heysteen kooxaha Dadka qafaasha ee Magafayaasha ah.

Dhalinyaradaan oo gaaraya 97-qof ayaa waxaa ku jira shan haween ah, kuwaas oo muddo ku xanibnaa dalkaas, Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Cabdisaciid Muuse iyo masuuliyiin kale, ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Cabdisaciid Muuse oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dowladda ay dadaal u gashay sidii ay dalka ugu soo celin laheyd dhalinyarada, isla markaana Madaxweyne Farmaajo uu dhawaan Liibiya kala hadlay siideynta dhalinyarada u xirnaa.

Qaar kamid ah dhallinyaradi soo noqday oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin dib ugusoo laabashada dalkooda, iyagoo u mahadceliyey Madaxda dowladda Federaalka, sidoo kalena ka sheekeeyay dhibaatadii ay lasoo kulmeen.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKAÂ