WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Dowladda Somalia oo Maamul KMG u aqoonsatay SSC-Khaatumo

By xuseen waashitoon

October 19, 2023

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah ku dhawaaqday inay maamul kumeel gaar ah u aqoonsatay Maamulka SSC-Khaatumo ee uu hoggaamiyaha ka yahay Cabduqaadir Axmed Ow-Cali Firdhiye.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay maamul kumeel ah oo madaxbanaan ay u aqoonsatay SSC-Khaatumo.

Waxa uu tilmaamay Wasiir Fiqi in Xukuumadda ay mar kasta ku baaqeyso, ayna gacan ka geysaneyso dadaal kasta oo nabad iyo xasillooni kusoo dabaalaya deegaanka, isla markaana wixii khilaaf ah ee jira lagu xalinayo wada-hadal iyo nabad.

Dhinaca kale hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatum Cabduqaadir Axmed Ow-Cali Firdhiye oo maalmihii lasoo dhaafay safar ku joogay magaalada Muqdisho ayaa dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha uga mahadceliyay aqoonsiga SSC-Khaatumo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Dadka deegaanka gobolka Sool ayaa dagaal adag ay la galeen maamulka Somaliland kaga saaray magaalada Laascaanood iyo deegaanno kale, waxa ayna dhisteen maamul madax bannaan.